Sergei Lavrov:“Waa in Beesha Caalamka sii wado Dadaaladda Taageeradda ah ee Ciidamada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM”

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ruushka Sergei Lavrov ayaa Beesha caalamka ugu Baaqay in la qaado tilaabooyin lagu xoojinayo Ciidamadda Militariga Soomaaliya iyo kuwa Midowga Africa ee AMISOM.

Sergei Lavrov ayaa sheegay in Ciidanka AMISOM ay wali taageero muhiim ah siiyaan Ciidamadda Militriga Soomaaliya oo dagaal kula jira Al-Shabaab.

“Doorka Ruushka waa in Beesha Caalamka ay sii wado Dadaaladda Taageeradda ah ee Ciidamadda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM” ayuu yiri Sergei Lavrov Wasiirka arrimaha Dibadda Ruushka.

Dhanka kale Wasiirka ayaa sheegay in khilaafaadka gobolka ka taagan loo baahan yahay in la xaliyo, iyadoo loo mariyo wada hadal, Caqabadaha ay ka mid yihiin arga gixisadda, Burcad Badeedda iyo Dambiyadda Xuduudda ka goosha oo ayuu sheegay in lagama maarmaan ay tahay in xal loo helo si Gobolka uu horumar u sameeyo.