Sarkaal ka tirsan Milatariga Soomaaliya oo lagu dilay degmada Dharkeynlay.

Waxaa Magaalada Muqdisho daqiiqado ka hor lagu dilay Sarkaal ka tirsan Ciidamada Milateriga Soomaaliya, Alle ha u naxariistee waxaa sarkaalkaaasi lagu magacaabi jiray Cabdullahi Xuseen Maxamed (Mangiste).

Sarkaalkaasi ayaa la sheegayaa in dilkiisa ay ka dambeeyeen Ciidamo ka tirsan Nabad Sugidda Soomaaliya,kadib muran dhinaca dhulka ah oo ka taagan degmadaasi ayaa wuxuu sababay in Ciidamada Nabad sugida ay dilaan sarkaalkaasi.

Wararku waxay sheegayaan in Sarkaalka la dilay uu ka mid ahaa Macalimiinta tababarka ciidan ka bixiya Xerada Warshadda Nac Naca ee magaalada Muqdisho, Sarkaalka la dilay ayaa la murmay inta aan la dilin Ciidamo Howlo bur burin ka waday Xaafadda kaawa Godey ee degmada Dharkeenlay.

Dhanka kale waxaa la soo sheegayaa in isku dhac dhexmaray uu halkaasi ka dhacay, waxaana ku dhaawacmay dad shacab ah ilaa 6 qof, waxaana Muqdisho caado ka noqotay isku dhacyada Ciidanka waxaana maalmihii la soo dhaafay ku soo badanayay isku dhacyada nuucyadaan oo kale ah, mana jirto cid wax ka qabata isku dhacyada Ciidamada Dowladda dhexmara, iyadoo la ogyahay in Maleeshiyaadka Al-Shabaab ay qorshaynayaan inay la wareegaan xaafado ka mid ah Muqdisho.