Maxaabiis Soomaaliyeed oo ku soo wajahan Muqdisho

Sida uu sheegay Danjiraha Soomaaliya u fadhiya wadanka Cumaan Ambasador Cabdirisaaq Faarax Cali diyaarad sida 77 maxaabiis Soomali ah kuna xirnaa dalka India ayaa maanta kusoo wajahan Magaaladda Muqdisho.

Danjiraha ayaa sheegay maxaabiistaan lagu soo wareejiyay dowladda Soomaaliya inay qeyb ka tahay heshiiskii maxaabiis isweedaarsiga dalalka Soomaaliya iyo India oo ay horay u wada gaareen labada dowladood, wuxuuna sheegay Safiir C/risaaq in qeybtii labaad ay tahay maxaabiistan maanta soo gaareysa Muqdisho oo laga keeno India.

19 –kii bishii Janaayo isla sanadkaan ayeey aheyd markii  garoonka Diyaaradaha magaalada Muqdisho laga soo dejiyay ilaa 40 maxaabiis ah oo laga keenay Dalka India, kuwaasi oo dhameystay xukun ay horey ugu riday maxakamadda ku taala Dalkaasi.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo maalintas warbaahinta kula hadlay garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ayaa sheegay in maxaabiistan ay qeyb ka yihiin maxaabiis horey looga soo daayay ilaa saddex dal, wuxuuna intaasi ku daray in 70 kale oo ku jira xabsiyada Dalka India dhawaan la keeni doono Soomaaliya.