Maqaal: Dal dadkiisu dayacay iyo damacyo damiir beelay

Halka aan maanta naal waa meel halis u ah jiritaankeena qarannimo waxaan qiimeeyay sida maanta argagixisada goballada qaar ay ku hayaan sidoo kale goballadii nabadda ahaa kheeyraadkii ayaa dalal cadaw ah maanta nalugu marqaatiyeeynayaa sida ay ukala qadanayaan wixii faa’iida ah kheeyraadkii aan lahayn.

Waxay maraysaa meel aad uxun ceebna ah in maanta wax caadi ah aan u aragno in kheeyraadkeena lagu saxiixdo dalalka dibadda.

Argagixisada si joogta ah ayay bulshadeena uwaxyeelaysaa iyadoo wax aan sidaa usii buurnayn ay nala noqotay waxyeellada joogtada ah ay nala maagaan.

Burburkii dowladdii dhexe kadib bulshadeena waxaa lumay kalsoonidii iyo aaminka doowladnimo loo wada dhanyahay taasoo ay fursad u arkaan dalalka cadawga ku ah jiritaanka doowladnimo ay wada leeyihiin dhamaan shacabka Soomaaliyeed.

28sano ayaa waxaa maqal iyo aragba ay noo ahayd badda oo qaybo la gatay barrigana in la gato umaba baahnayn.

Dal waliba wuxuu ku taagan yahay dadkii lahaa waxaasa muuqato in aan ka simannahay bulsho aysan u muuqanayn waxa ay xaqqa uleeyihiin iyo jiritaankooda dadnimo.

Gobal waliba ee ka mida goballada dalkeena midba waxbuu caan ku ahaa kuwa nabadda waxay caan ku yihiin in kheeyraadkii lala wadaagayo kuwa aan nabadda ahayn iyaguna waxay caan ku yihiin Argagixiso adduunkaa wax halis ay u arkaan oo caadi u ah.

(Dal dadkiisu dayacay iyo damacyo damiir beelay )
Mahadsanidiin
Hassan Abdikadir Mudey