Itoobiya: Ardey ka soo jeeda Maamulka Somaliland oo loo diiday shahaadooyinka Jaamacadda

17; Ardey oo ka soo jeeda degaannada Somaliland islamarkaana wax ka bartay Jaamacad ku taalla Dalka Itoobiya ayaa loo diiday shahaaddada waxbaarshada kaddib markii ay dhameysteen cilmiga caafimaadka.

Ardeydan oo gaaraya 17 ayaa tagay Itoobiya sanadkii 2011kii,waxaana ay iyaga iska bixinayeen qarashka ku baxay jaamacadda ay dhiganaayeen.

Markii ay qalin jebiyeen ayaa loo sheegay in aan la siineyn shahaado iyada oo uu sharciga Itoobiya diidayo in ardayga qalin jebiya horay shahaado iyo ruqsad dhaqtarnimabada laga siiyo.

Sharciga Itoobiya ayaa dhigaya in qofka marka uu qalin jebiyo uu labo Sano u shaqeeyo Dowladda haddii ay dhici weysana uu bixiyo 80,000 oo Birta Itoobiya ah.

Ardeydan ayaa wasaaradda Caafimaadka ee Itoobiya u sheegay in iyaga y ajaanibyihiin sidaas darteedna uusan qabaneyn xeerka Itoobiya,waxaana wasaaradda ay ugu jawaabtay in ay warqad fasax ah ka helaan Somaliland.

Wasiirkii hore ee caafimaadka Somaliland ayaa arrintaas galay inkasta oo aan lagu guuleysan haddana waxaa wasaaradda caafimaadka ee Somaliland ay warqad u qortay wasaaradda arrimaha dibadda ee isla Somaliland taas oo aan ilaa hadda jawaab ka bixin halka ay ku dambeysay.

Ardeydan ayaa ka walaacsan shahaado la’aanta maaddaama ay doonayeen in ay ku shaqeystaan cilmiga ay ka barteen dalka Itoobiya.