Howlgal lagu baadigoobayo Maleeshiyaad Al-Shabaab ah oo ka socda Gobolka W/Bari Kenya.

Wararka laga helaayo Gobolka Woqooyi bari Kenya ayaa sheegaya inuu socdo Howlgal Booliska Kenya ay ku baadi goobayaan Maleeshiyaad la aaminsan yahay inay Al-Shabaab ka tirsan yihiin oo weerar ku qaaday Saldhig Ciidamadda Kenya ay ku leeyihiin Deegaanka Fino ee Gobolkaasi.

Charles Owino Afayeenka Booliiska Kenya ayaa sheegay in hogaamiye ka tirsan Al-Shabaab oo Magaciisa uu ku sheegay Jaamac Nuux Cabdille kana mid ahaa raggii weerarka qaday uu dhinaca Soomaliya u soo baxsaday weerarkaasi kadib.

Weerarkaas lagu qaaday Saldhigga Booliiska Kenya ay ku leeyihiin Fino ayaa la sheeay in lagu dilay 5-Askari oo ciidamadda Booliiska Kenya ka tirsan, wuxuuna Afhayeenka Booliiska Kenya war uu soo saaray ku sheegay in Ciidamadu ay Raadinayaan Shabaabkii weerarka Fuliyay.
Dhanka kale Afhayeenka Booliiska ayaa sheegay in Maleeshiyaadka Shabaab ee weerarkaasi soo qaaday ay tiradooda gaarayso ilaa 100-dagaalyahan, iyadoo Kenya ay ciidammo badan keentay Xuduuda ay Soomaaliya ay la wadaagto, halka Kuwo kalana oo ka qayb qaadanaya Howlgalka AMISOM ayaa jooga gudaha Soomaaliya.