16 Qof oo ku dhintay weerar lagu qaaday safaaradda France ee Burkina Faso

Koox hubeysan ayaa weerar ku qaaday Safaaradda Dalka France uu ku leeyahay Caasimadda Dalka Burkina Faso ee Ouagadougou,iyada oo Ciidamada dowladda iyo koodii weerarkuba dad uga dhinteen.

16ka qof ee ilaa hadda la xaqiijiyay in ay dhinteen ayaa kala ah 8 ka mid ah Kooxda weerarka iyo 8 ka mid ah Ciidamada dowladda ee safaaradda gurmadka ugu tagay, iyada oo 80 qof oo kale ay ku dhaawacmeen weerarkaas.

Wasiirka arrimaha dibadda France Jean-Yves le Drian,ayaa sheegay in ay caddahay in weerarkaasi ahaa mid argagixiso islamarkaana lagu qaaday danaha France ee dalka Burkina Faso.

Wasiirka amniga gudaha Dalka Burkina Faso Clement Sawadogo, ayaa isna sheegay in uu jiro gaari isku qarxiyay dhismaha xarunta Milatariga halkaas oo uu shir goboleed dhinaca amaanka ah ka socday.

Wasiirku ma sheegin dadka dhaawacmay waxa ay kalayihiin,waxaase uu sheegay in ay u badanyihiin dad rayid ah oo xilliga weerarka ka agdhawaa safaaradda la weeraray.

Dalka Burkina Faso waxaa uu dhowr jeer wajahay weerarro noocan ah,horay waxaa u sheegan jiray kooxaha Al-qaacidda raacsan,hayeeshee weerarkan shalay lagu qaaday Safaaradda France ee Burkina Faso cidina wali ma sheegan.