Falaqayn:-Dawlada Yugaandha oo xoojinaysa mashruuceeda Dahabka ah ee UGSOM.

Sida ay cadeynayaan Warbaahinta waxaa shir maanta ka furmayaa wadanka yugaandha waxaana looga hadlayaa Soomaaliya.

Ajandaha Shirka waxaa soo bislaysatay oo soo diyaarisay dawlada yugaandha ee madaxweyne Yoweri musavani

Hadal ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Yugandha ayaa lagu sheegay in Shirka ay isugu imaanayaan madaxda dowladaha ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya gaar ahaan ciidamada Midowga Africa ee AMISOM.

Waa su’aal weyn shirka looga hadlayo xaalada amni ee soomaaliya iyo hawsha ay hayaan ciidamada AMISOM yaa Dawlada soomaaliya ku matalaya shirka aadka u mihiim
wali macada Qofka hogaaminaya Wadiiga Dawlada Faderaalka ah ee soomaaliya.

Sida laga soo xigtay xafiiska madaxtooyada Yugandha waxaa shirkan sidaa u weyn merti galiyey Madaxweyne Yoweri Musevani waxaa kaloo ka soo qayb galaya Wakiilo ka socda Midowga Africa, Midowga Yusur, Maraykanka iyo Q.M. iyo Wakiilo metalaya Shanta xubin ee joogtada ka ah Golaha amaanka ee Qaramada Midoobay.

ujeedka shirka waxay gaar u tahay dawlada yugandha oo ciidamo badan ka joogan soomaaliya waxay doonaysaa in magaca umada soomaaliyeed. Ku hesho dhaqaale aad u badan

Qorshaha shirkan ayaa lagoo hadli doonaa in diirada lagu saari Qodobadii looga hadlay shirkii bishii September ee sanadkii 2017-dii lagu qabtay magaalada New York ee dalka Mareynkanka.

fikrada saxda ah ee shirka looga hadlay waxay ahayd in dawlada Faderaalka lagu dhiiri galiyo dhismaha ciidanka xooga dalka ee hoostaga dawlada faderaalka soomaaliya.

Waana in waqti dhaw lagu helaa ciidanka soomaaliya oo kala wareegi karaan amaanka guud ahaan dalka Ciidamada AMISOM.

Waxaan Falaqeyntayda farta ku fiiqayaa dhaqanka musuq maasuq ee ka jira dawlada Yugandha iyo dhaqanka musuq maasuq ee ka jira Dawlada Faderaalka soomaaliya waxay caqabad weyn ku yihiin inay shacabka soomaaliyeed helaan ciidan iyaga matalaya.

Lacag saddex Boqol oo Milyan (300 milyan)ayay sanadkii ugu deeqaan Dawladaha Midowga Yurub Soomaaliya lacagtaas oo lagu caawiyo gunnooyinka mushahaarada iyo Qandaraasyada dhimsaha iyo adeegayada kale loogu ee ciidanka AMISOM ee jooga soomaaliya.

Lacagta intaa leg lacag ka yar ayaa soomaaliya ciidan loogu dhisikaraa .

Waxaan Falaqeyntayda ku soo koobayaa jiritaanka musuq maasuq dartii ee ah hashiisyada Qandaraasyada iyo mid mushahaaro waxaa ku heshiiyay koox yar oo uu madax u yahay madaxweyne Yoweri Musevane iyo saxiibadiisa ku jira dawlada Faderaalka Soomaaliya waxay doonayaan in aanuu dhawaan aanuu dhamaan mashruuca

Godkaa Dahabka ah ee la yiraah( UGSOM.)ka shaqo galaan. Saraakiil ugaandho ah oo muda 10sano ah jooga muqdisho oo ku dhex milmay dhaqanka musuq maasuq ee amisom. Iyo koox yar oo Ganacsato iyo siyaasiyiin Haysta Qandaraasyo ay ku helaan dhaqaalaha caalamku siiyo Amisom

xildhibaanada Barlamaanka Soomaaliya ee mas’uulka ka ah shacabka soomaaliyeed kama hadli karaan arinta cabsi ay ka qabaan in amnigooda wax la yeelo.

Waa nisiib xumo ah in arinka muddo 10sano soo socday aanan wax xal ah loo heynin.

Shirkan ka furmaya magaalada Kampala suurta galmaahan in uu abuuro wax fursad ah oo lagu dhiso Ciidamada dowladda Soomaaliya waxaa arinkaa hortaagan waa in marka hore Madaxda soomaaliyeed iyo shacabka soomaaliyeed iyagu xoriyad lagu siiyo wax ay ku qabsanayaan lacagtaan badan ee 300 oo milyan. ee ay bixiyaan EU

Sida ay iyagu u dhistaan ciidanka ay doonayaan oo markaa ay amaanka dalka ugala wareegaan maadaama ay Soomaaliya ka jirto daruufo adag.

Dagaalka Al-Shabaab waxaa guulo waa weyn ka gaaray maamulada Galmudug iyo puntland oo anay joogin ciidamada AMISOM.

Halkaas waxaa ka ogaaneynaa in ciidama soomaaliyeed ku filan yihiin dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab oo aysan u baahneen Ciidamo Shi-sheeye.

W/D. Danjire Maxamed Caalim.