Madaxa Shirkada DP World: “Jabuutiyaanka waxaan ka dhignay Bashar (Dad) balse waxaan ku celin doonaa sidii hore”

Madaxa Shirkadda Imaaraadka laga leeyahay ee Dp World Ninka lagu Magacaabo Sultan Axmed Bin Salim ayaa waxa ka soo yeeray hadal hanjabad iyo jees jees isugu jiray kaas oo ka socday dowladda Jabuuti.

“Jabuutiyanku waxa aan ka dhignay bashar balse waxaan ku celin doonaa sidii ay beri ahaayeen” ayuu yiri Madaxa Shirkadda ee Dp World”.

Warbixin dheer ee uu ka qoray Tv-ga Aljazeera sida dowladda Jabuuti uga baxday heshiiskii ay UAE ku siiyeen Dekada Jabuuti ayaa lagu faah faahiyay in ay sabab u aheyd  in Imaaradku ay ka soo bixi waayeen heshiiskii Balan qaadkii ay la galeen dowladda Jabuuti.

Suldaan Axmed Bin Salim Madaxii Shirkadda Imaaraadka laga leeyahay ee Dp World ayaa laga soo xigtay hadal u muuqday mid jees jees ah kaas oo ahaa in iyagu ay Jabuuti dad ay ka dhigeen bale ay haatan meeshoodii hore ay ku celin doonaan.

Dowladda Jabuuti ayaa dhawaan dalkeeda ka erisay Shirkada Dp World kadib markii lagu eedeyay in ay fulin waayeen qodobadii lagu heshiiyay.