Ciidamo Amisom ah oo la dhigayo Wadada u dhexeysa Jowhar iyo Balcad

Taliyaha Qeybta 27-aad ee Ciidamada Xooga dalka Somaliya ayaa ka hadlay Qorshe uu sheegay inuu haatan dhamaad yahay oo Ciidamo lagu geynayo Wadada xiriirisa Magaalooyinka Balcad iyo Jowhar ee Gobolka Sh.Dhexe.

Janaraal Maxamuud Maxamed Aadan Koronto ayaa Warbaahinta ugu Sheegay Deegaanka Haanshiikh ee Hoostagta Degmada Balcad iney tababar usoo xireen Ciidamo Somali ah kuwaas oo la doonayo in la dhigo Wadadaas oo ay ku soo bateen Weerarada Shabaab ay ka geystaan.

Sidoo kale waxa uu Sheegay in la diyaariyay Ciidamo kamid ah Kuwa Amisom oo saldhigyo ka sameysan doona Inta udhexeyso Blacad iyo Jowhar, si looga hortago Weerarada soo laalaabtay ee Shabaab.

Janaraal Koronto ayaa dhinaca Kale waxa uu sheegay iney yaraadaan Mudooyinkan weeraradii Shabaab maadaama ay Ciidamada mararka qaar howlgalo ka sameeyeen Wadadaas dheer.

Al-Shabaab ayuu sheegay iney wadooyinka ku aasaan Miinooyin, ayna ku dhibaateeyaan Shacabka, Sidoo kale waxa uu soo qaatay Sarkaal katirsanaa Ciidamada xooga oo lagu Magacaabi Jiray Maxamed Raage kaasoo Shabaab ay Wadadan ku dileen.