Netherlands oo Ciidankeeda kala baxeysa Soomaaliya

Dowladda Netherlands,ayaa ku dhawaaqday in ay ka baxday howlgalka dhinaca amaanka ah ee uu Midowga Yurub ka wada Soomaaliya.

Dowladdu waxaa ay sheegtay in 15 Askari oo u badan tababarayaal iyo la taliyayaal dhinaca amaanka ah ay ku lahayd howlgalka Midowga Yurub ee Dowladda Soomaaliya looga caawiyo amaanka iyo tababarka Ciidanka.

Netherlands,waxaa ay sheegtay in Bisha April ee soo socota ay Ciidamadeeda kala bixi doonto Soomaaliya taas oo sida lagu sheegay warbixintan dib u dhac ku ah howlgalka Midowga Yurub ee Soomaaliya.

Wasiirka Gaashaandhigga ee Dalka Netherlands,ayaa sheegay in Ciidan yari dalkiisa heysata ay ku qasabtay in ay Ciidankooda kala baxaan Soomaaliya,isaga oo intaas ku daray in madaxbanaanida Netherlands ay muhiimadda kowaad u tahay Dalkiisa.

Wasiirku waxaa uu sheegay in Netherlands ay sii wadi doonto howlgallada kale ee dhinaca Bani’adamnimada ah ee Midowga Yurub uu ka wado Soomaaliya hayeeshee qeybta amaanka ay intaas uga egtahay.