Masaajid lagu burburiyay wadanka Sri Lanka ka dib iskudhac dhexmaray…

Ugu yaraan shan qof ayaa ku dhaawacantay, dhowr dukaamo iyo masaajidna waa la burburiyay ka dib iskudhac dhexmaray dadka haysta diinta Buddhism-ka iyo iyo muslimiinta laga tirada badan yahay ee bariga wadanka Sri Lanka, sida ay booliisku sheegeen Talaadadii.

Xiisadda dib u soo cusboonaatay ee labada bulsho ayaa sii kordhaysay tan iyo sannadkii hore, iyada oo qaar ka mid ah kooxaha xagjiriinta Buddhistaanka ay ku eedeeyeen Muslimiinta inay ku qasbaan dadka in ay qaataan diinta Islaamka iyo in ay si ula kac ah u burburiyaan goobaha qadiimiga ee Buddhistaha.

Booliska ayaa la geeyay magaalada bari ee Ampara si ay u xakameeyaan rabshadaha ka dib markii koox ka mid ah xagjiriinta ay weerareen masaajid, afar dukaamo iyo dhowr baabuur gaankii danbe Isniintii, sida uu xaqiijiyay afhayeenka Ruwan Gunasekara.

Golaha Muslimiinta ee Sri Lanka (MCSL), oo ah urur dallad ah oo ay ku mideysanyihiin inta badan ururada Muslimiinta ee dalka, ayaa cambaareeyay weerarka, waxayna waydiisteen xukuumadda inay samayso baaritaan dhexdhexaad ah oo ay soo qabato kuwa soo maleegay falalka amni darada ah.