Madaxweyne Waare oo baaq u diray Dowladda Soomaaliya

Madaxweynaha Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa ka hadlay xaaladaha abaareed ee ka jira deegaanada maamulkaasi.

Waxaana uu sheegay in dhibaatooyin xoogan oo ay sababtay abaarta weli ay ka taagan tahay gobollada Hiiraan iyo Shaleeha Dhexe.

Madaxweyne Waare ayaa xusay in dhibaatooyinkaasi ay ugu wacan tahay Wabiga Shabelle oo guray iyo khilaaf u dhaxeeya labada gobol oo ka taagan Wabigaasi.

Waxaana uu ugu baaqay madaxda DFS in ay wax ka qabtaan dhibaatooyinkaasi iyo Cabashada Wabiga Shabelle ee mara deegaanada maamulkaasi Hirshabelle.

Facebook Comments