Falanqeyn. Shalay iyo maanta Muqdisho kala wanaagsen

Bulshada ku nool muqdisho ogaada Farqiga u dhaxeeya shalay oo colaad muqdisho ahayd iyo Maanta oo Nabad ka jirto.

Sidaan soo sheegnay Nabadu waa qiimaha nolosha, waxayna kabilaabataa inuu qofku daneeyo/ jeclaado siduu naba ugu noolaan lahaa.

Qofwalba iyo Bulsho walba waxay nabada ka heshaa horumar iyo inaad ku fikirto waxa wanaagsen

Colaadu waa cadawga nolosha waxay ku qasabtaa Barakac iyo nolosha oo aad nacdo.
Qofka wanaagsen Nabada ayuu ka shaqeeyaa Qofka xun Colaaduu ka shaqeeyaa.

Colaada iyo dagaalku waa dab holcaya, dabkuna wuxuu gubaa dadka iyo deegaanka wuuna bur buriyaa nolosha soomaalidu maahmaah ayey sheegaan aaney inta badan ku dhaqmin (dagaal wiil baa ku dhintee, wiil kuma soo dhasho).

Qofka caaqilka waxaa waajib ku ah inuu iska xirxiro dhamaan albaabada colaada iyo Nacayba qabyaalada

Si nabad loo helo waa in la wacyigalinta bulshada gaar ahaan dhalin yarada si Dib u Heshiisiinta loo helo waa in bulshadu is dhexgal ogolaadaan hadaan in lawada
noolaado la ogola’aan Din u heshiinta ma suurtoobi karto.

Dhowr aqoonyahano ah khabiirro, cilmi-baareyaal ah hadal ay kulan ka jeediyeen Nabad ku ma timaado UNSOM IYO AMISOM Nabad nooma keenayaa wax iyaga xagaada kor nooga keeneen waxa aan hoos ka bilaabano ayaa inooga wanaagsan. oo dhaqankeena uu garankaro iyo afkeena aan kuwa hadli karno.

nabada waxaa keena cadaala ka timid heshiis bulsho oo laga wada qayb galo.

http://bit.ly/2F3C6QK

maahmaah caan ah ayaa Tiraah Qofkii dube gacanta kusitaa, waxkastoo ka hor yimaada musmaar buu umaleeyaa, wuuna garaacaa dhaqank colaada waa sidaa Qofkasta oo dhirta beeraa waxkasta inuu nooleeyo ayuu doonayaa anaa ku dadaalno inaa dhirta beerno wixii noolna aan amaangalino.

Danjire maxamed caalim