Digniin laga soo saaray weerarro Al-shabaab u qorshaysay magaalada Muqdisho

Sirdoonka reer Galbeedka ee ku sugan magaalada Muqdisho ayaa soo saaray digniin ku aaddan weerarro abaabulan oo Al-shabaab la damacsanyihiin Garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho iyo laba hotel oo ku yaalla wadada Makka Al-mukarrama, sida ay Warbaahinta u xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan hay’adaha Amniga Soomaaliya.

Farriimaha digniinta ah ayaa sheegaya in laba gaari oo qaraxyo sida iyo kuwa kale oo ay saaran yihiin dableey hubaysan loo diyaariyay  weerarada  ay Al-shabaab qorshaysay in ay ku qaaddo Garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho iyo laba hotel oo ku yaalla wadada Makka Al-mukarrama.

Sirdoonka shisheeye ee ku sugan Xerada Xalane ee magaalada Muqdisho ayaa xogtaan la wadaagay saraakiisha hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka,iyadoo wararku sheegayan in haatan ciidamada amniga lagu amray in ay hawlgal ballaaran qaadaan ,si looga hortago khatarta ka soo wajahan Al-shabaab.

Khamiistii todobaadkii hore, dowladda Soomaaliya ayaa soo saartay digniin tan oo kale ah,waxaana xigay qaraxyo waaweyn oo jimcihii lagu qaaday agagaarka Madaxtooyada Villa Somalia iyo hotel Doorbin oo ku yaalla meel u dhow xarunta hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee(NISA).