Wafdi uu hoggaaminayo RW Kheyre oo gaaray magaalada Abu-Dhabi

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya mudane Xasan Cali Kheyre iyo Wafdigii uu hoggaaminayay ee shalay galinkii dambe ka ambabaxay Muqdisho ayaa gaaray magaalada Abu-Dhabi ee Dalka Isutagga Imaaraadka Carabta, halkaasi oo si diiran loogu soo dhaweeyay.

Wafdiga uu hor-kacayo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxaa Goroonka Diyaaradaha Magaalada Abu-dhabi si diiran ugu soo dhaweeyay Wasiirka Tamarta iyo Warshadaha Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta H.E. Eng. Suhail Mohamed Faraj Al Mazrouei.

Xasan Cali kheyre ayaa Booqsho labo maalin ah halkaasi ugu bilaabatay, isagoo inta uu joogo wadanka Isu-tagga Imaaraadka Carabta kulamo la qaadan doono Madaxda Dalkaasi.

Ra’iisul Wasaaraha waxaa socdaalkiisa ku wehliya Wasiirka Arrimaha Dibadda H.E. Axmed Ciise Cawad, Wasiirka Amniga Qaranka H.E. Maxamed Abuukar Islow Ducaale, Xildhibaanno iyo Xubno kale.

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa madaxda Dalka isu-tagga Imaaraadka Carabta kala hadli doono Arrimo ay ka mid yihiin xoojinta xiriirka u dhexeeya labada dal Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta.