Masar oo fulineysa hehiis ay la gashay dowladda Soomaaliya

Wasiirka beeraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Saciid Xuseen Ciid ayaa Magaalada Muqdisho kusoo dhaweeyay Wafdi ka socda wasaaradda Beeraha Dowlada Masar.

Wafdigan ka socda Dowlada Masar ayaa Muqdisho u yimid Hirgalinta heshiis Hormarineed oo dhinaca beeraha ah oo ay hore u kala saxiixdeen Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Masar.

Wasiirka beeraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa wafdigan kaga mahad celiyay booqashada ay ku yimaadeen magaalada Muqdisho, isagoona sheegay in la dardar galinayo dhaqan galinta Mashaariicda lagu hormarinayo beeraha oo ay iska kaashanayaan labada dowladood.

Wafdi ka socda Wasaaradda Beeraha Masar ayaa waxaa wehliya Qunsulka Guud ee Safaarada Masar ee Soomaaliya iyo ku xigeenka Safiirka Soomaaliya ee Masar Ilyaas Sheekh Cumar, waxaana lagu wadaa in kulamo ay la qaataan masuuliyiin ka tirsan Dowlada Soomaaliya.