Madaxweynaha Soomaaliya oo la kulmay Senator ka tirsan Aqalka Senate-ka Mareeykanka

Jack Reed oo ka tirsan Aqalka Senate-ka Mareeykanka ayaa la kulmay Madaxweeynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo, sida lagu daabacay Bogga Facebook ee Howlagalka Mareeykanka ee Soomaaliya, Kulanku wuxuu dhacay 20- kii Bishaan Febarayo oo ku beegneyd Talaadadii hore.

Labada Mas’uul ayaa ka wada hadlay arrimo khuseeya Siyaadda Dhaqaalaha iyo Amaaanka, in kastoo aan si faah-faahsan looga hadlin wada hadalka Mas’uuliyiinta Mareeykanka ka socotay iyo Madaxweeyne Farmaajo, hadana Mareeykanku wuxuu ka mid yahay Doowladaha Soomaaliya ka Taageera dhinacyadda dhaqaalaha, Amniga iyo Siyaasadda.

 

Taageerada Mareeykanka ee Soomaaliya ayaa u badan dhinaca Amniga, Ciidammo gaar ah oo Mareeykanku tababaray ayaa ka qayb qaata suggida Ammaanka Dalka, sidoo kale Dowladda Mareeykanka ayaa bixisa mushaarka qaar ka mid ah Ciidamadda Dowladda Soomaaliya.

Dhanka kale Howlgalka Mareeykanka ee Soomaaliya ayaa Bartiisa Facebook soo dhigay Sawir ay muuqdaan Saraakiil military oo Mareeykan ah kuna labisan Dharka Ciidanka, iyadoo Maraykanku Soomaaliya ka taageera duqaymaha deegaanada ay ku sugan kooxaha Al-Shabaab, islamarkaana waxay la socdaan dhaqdhaqaaqyada Maleeshiyaadka Al-Shabaab.