Gudoomiyaha Degmada Kaxda oo darawalkiisa Muqdisho lagu Dilay.

Waxaa dilay Ex-control Afgooye ee magaalada Muqdisho lagu dilay Darawalki gaariga gudoomiyaha degmada Kaxda ee gobolka Banaadir oo magaciisa lagu sheegay C/Qaadir Carab, iyadoo dilka darawalka uu ka dambeeyay mid ka mid ah ilaalada Gudoomiyahaasi oo la sheegay inay murmeen.

Ciidamada dowladda ayaa gacanta ku dhigay Askarigii dilay Darawalkii gudoomiyaha Kaxda, waxayna ciidamadu ku xireen saldhiga degmada Waaberi ee Magaalada Muqdisho.

 

Dhanka kale waxaa la filayaa in Askarigaasi la marsiiyo sharciga, si aysan u dhicin in mar kale la dilo qof aan waxba galabsan, islamarkaana uu istaago dilka sida sharci darada ah ee ka dhaca Muqdisho.