Doontii ku caarisay Boosaaso oo maanta ku xiratay dekadda Magaaladaas

Doonta Xafiis oo dhawaan ku caariday xeebta Magaalada Boosaaso ayaa maanta ku xiratay dekadda Magaalada Boosaso ee xarunta Gobolka Bari.

Doontan ayaa waxaa ay ku caariday xeebta Magaaladaas kaddib  markii loo diiday in ay dekadda ku xirato,dadaal ay sameeyeen Ganacsatada ay u rarneyn Doonta iyo Dadka degaanka ayey ku sameeyeen  Dekad macmal ah waxaana ay taas soorta gelisay in inta badan alaabtii ay wadda laga dejiyay.

Sheekh Fu’aad Xaaji oo ah guddoomiyaha Guddigii loo saaray bad baadinta Doontaas ayaa sheegay in maanta ay ku xiratay Dekadda weyn ee Magaalada Boosaaso,islamarkaana laga dejiyay dhamaan wixii badeeco ahaa ee saarnaa.

Doontan waxaa ku rarnaa Ganacsi u badan qalab xafiiseed iyo Gaadiidka dadweynaha,waxaana lagu guuleystay in la badbaadiyo Doontaas.

Maamulka Puntland oo aad loogu dhaliilay sida aanay ugu lugyeelan bad baadinta Doontaas ayaa amray in aan laga qaadin Canshuur marka ay ku xiraneyso Dekadda Boosaaso.