Al-shabaab oo Shaaciyay Magaca iyo qabiilka Mid Kamid Ahaa Ragii Fuliyay Qaraxyadii Muqdisho

Kooxda Al-Shabaab ayaa soo bandhigtay magaca iyo qabiilka mid kamid ah ragii fuliyay weerarkii Jimcihii la soo dhaafay ka dhacay Muqdisho.

Warbaahinta ku hadasha Al-shabaab ayaa sheegay in Cabdullaahi sheekh Aadan Sheekh Axmed Guure oo Al-shabaab dhexdooda looga yaqaabanay Cadiyatullaah uu ka dambeeyay weerarkaasi.

Al-Shabaab ayaa sheegay in Cabdullaahi uu ka soo jeedo Beesha mareexaan oo degta Gobolka Gedo sida ay sheegeen.

Al-Shabaab ayaa sidoo kale baahiyay fariin is qarxiya ka hor inta aanu is qarxin uu kaga hadlayo sababta uu isku qarxinayo.

Weeraro is qarxin ahaa ayaa jimcihii la soo dhaafay ka dhacay magaalada Muqdisho waxaana xusid mudan in qaraxyadaasi ay dad rayid ah ku waxyeeloobeen.

Dadka dhintay ayaa waxa ay u badnaayeen dhalinyaro ka yimid xeebta Liido ee Muqdisho maadaama maalintaasi ay aheyd Jimco dad badana ay xeebta u damaashaad tageen halka qaraxa uu ka dhacayna ay aheyd marinka loo maro Xeebta Liido.