Aadan Barre Ducaale”Ma aqbaleyno in ay Kenya joogaan siyaasiyiin mucaarad ku ah Dowladda Farmaajo”

Gudoomiyaha Aqlabiyada Baarlamaanka dalka Kenya ahna xildhibaan laga soo doortay Magaalada Gaarisa ayaa shaaca ka qaaday taageerada Kenya ay u heyso dowladda uu hogaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Xildhibaan Aadan Barre Ducaale ayaa sheegay in dowladda soomaaliya ay taageero weyn u hayaan isla markaana ay tahay mid u baahan in fursad lasiiyo si ay wax badan u qabato.

Waxa uu sheegay in dowladda Kenya iyo dowladda Soomaaliya uu ka dhaxeyo xiriir weyn sidaasina dowladda Kenya aysan aqbaleyn in Siyaasiyiin mucaarad ku ah dowladda Soomaaliya ay Kenya ku sugnaadaan.

“Anaga waan taagersanahay dowladda ay madaxda u yihiin Farmaajo iyo kheyre,waana mid u baahan taageero waana ka dambeynaa mana ogolaaneyno in halkan lagu mucaarado siyaasiyiinta waxan u sheegayaa  halkan nasasho waad u imaan kartaan laakin ma idinka ogolaaneyno in Nairobi ay noqoto meel Farmaajo iyo dowladdiisa lagu mucaarado ayuu yiri Aadn Barre Ducaale.