Wasaarada Amniga oo saraakiil ka tirsan Booliska iyo NISA u baareysa weerarkii madaxtooyada

Saraakiil ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Dalsan u xaqiijiyay in uu jiro baaritaan xoogle oo ku socdo Saraakiil ka tirsan Ciidamada Booliska iyo NISA kadib weerarkii Habeen ka hor lagu soo qaaday Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya.

Baaritankaan ayaa salka ku haya shaki ah raga weerarka soo qaaday oo watay Dharka Ciidanka Booliska iyo Ciidamada xasilinta iyo sida ay dharkaasi ay ku heleen.

Wararka kale aynu helnay ayaa waxa ay  sheegayaan in Saraakiishan wax laga weydiiyay Wararka sheegayay in raga ka tirsanaa Al-Shabaab ee weerarka soo qaaday ay wateen Agabka ciidanka sida Isgaarsiinta ay ku wada xiriiraan Ciidamada ama ( Gacamada) ay sitoos ah ugu xirnaayeen talisyada Booliska Gobolka Banaadir.

Saraakiishu uu ku socdo baaritaanka ee ka kala tirsan Booliska iyo Nabadsugida ayaa la weeydiiyay in ay keenaan Saxiixa dharka iyo laamaha kala duwan ay siiyeen Ciidamada iyo Magacyadooda intaba,iyada oo Wasaaradda Amniga laga sugayo waxyaabaha kas oo baxa baaritaankaas.

Habeenkii Jimcaha ayaa weeraro iyo qaraxyo ay ka dhaceyn meelo kala duwan oo Muqdisho ah,waxaana raga weerarka soo qaaday oo ahaa 5 ay Saddex ka mid ah wateen Dharka Booliska halka labada kale ay wateen Dharka Ciidamada xasilinta Caasimadda.