Puntland oo mamnuucday shirarka aan fasaxa heysan

Maamulka Puntland ayaa ka digay shirar ay sheegeen in lagu kala qeybinayo Puntland kuwaas oo si sharci darro ah uga dhacaya degaannada Puntland.

War ka soo baxay wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha kuna socday Wasaaradda arrimaha gudaha maamulkaas ayaa lagu sheegay in la mamnuucay shirarka lagu kala qeybinayo dhallinyarada Puntland.