Maqaal: Sida ugu habboon oo naaska irmaan ee Turkiga lagu maali karo…

Waxa dalka Turkiga ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Erdogan, Soomaaliya la jecelyahay nabad, xasillooni, midnimo, horumar, iwm, waxanan u arkaa in dowladda dhexe ee Soomaaliyeed ka kacdo fadhiga oo ay fiirido wax ka macna weyn hal, laba, saddex, iwm ee drone oo maalinba meel lagu tuuro oo waan la sheegayne dhici karto in shacabku wax ku noqdaan.

Sida ugu habboon oo naaska irmaan ee Turkiga lagu maali karo, waa xiriirka ka dhexeeya labada dowladood oo lagu baahiyo labada shacab, labada dhaqan, labada hiddo, iyo tiirka ugu culus oo ah xoojinta diinta Islaamka, lagana baxaa qaabkan u suurad eg calmaaninimada labada dhinac.

Maantay kula gudboon tahay oo aad heli kartaa is xulufeysi dihan oo xiiso kuu qaba, Turkiga garwadeen ka noqon karo oo ku gaarsiin kara in aad soo ceshato oo aad boorka ka jafto wixii xiriir dibolomaasiyadeed, siyaasadeed iyo istarateejiyadeed ee aad la lahaan jirtey Ruushka, Iraan, Shiinaha, Malaysia, iwm oo dabcay, xumaaday, ama la kala gostay.

Ma waxay dowladda dhexe ka dadaal yartahay “bakaylaha” oo inta uu geed ku jiro mid kale ilaaleysta, war fadhiga ka kaca oo hawl ka dhigta araktida fog ee ka socota adduunka.

Xagga Al-Shabaab, waxa weli socda, drone lagu tuuro mucaarad oo mucaaradkana ku jawaabo qaraxyo iyo dagaal fool-ka-fool ah oo micnaheedu yahay in shacabku dhexda ka baxo, waxa dagaalka ku dhimanaana noqdaan shacabka, iyo hantida dadweynaha oo burburta. Waan ku celceliyey marar badan ee waxa xalka colaadda u dhexeysa dowladda iyo Al-Shabaab u arkaa wada hadal.

Proff. Axmed Muunin Warfaa