Madaxda Ciidamada Booliska oo su’aalo laga weydiinayo sababta dharkii ciidamada Booliska ay u isticmaaleen ragii Muqdisho isku qarxiyay.

Wasiirka amniga ee xukuumada Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale iyo Taliyaasha Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa ka wada hadlaya sababta keentay in Ragii qaraxyada ka gaystay ay u soo xirteen dharka lagu yaqaan ciidanka Booliska.

kulan uu wasiirka Amniga ee xukuumada iyo Taliyaha cusub ee Booliska ay taaliyaasha iyo Saraakiisha ku weydinayaan sababta keentay in dhar u gaar ah ciidanka booliska ay soo qaateen ragi weerarka ka fuliyay jimcihi meel u dhaw madaxtooyada Soomaaliya iskuna qarxiyeen.

Maleeshiyaadka Al-Shabaab ee jimcihi weerarka soo qaaday ayaa watay dareys u gaar ah ciidanka Booliska Soomaaliya waliba dharka uu yahay mid cusub oo aan wali si rasmi ah loo wada siin ciidamada oo dhan, kuwaasi oo loo sameeyay bilo ka hor Ciidamada Booliiska.

Dhanka kale Al-Shabaab oo shan ka mid ahi weerarka ka geysteen Magaalada Muqdisho ayaa la tilmaamayaa inay wateen dharka ciidanka Booliska Soomaaliya, taasi ayaana ah waxyaabaha la isku weeydiinayo kulanka maanta u dhaxeeya wasiirka Amniga iyo Taliyaasha ciidamada Booliska.