Golaha Ammaanka oo isku raacay xabad joojin laga hirgeliyo Wadanka Suuriya.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa cod aqlabiyad ah ku meel mariyay qaraar ku baaqaya in dalka Suuriya dhammaantii laga dhaqangeliyo xabadjoojin aadannimo muddo bil ah.

Kooxaha ugu waaweyn fallaagada ka dagaalanta dalka Suuriya ayaa soo dhoweeyay qaraarka kasoo baxay Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay, waxayna sheegeen in ay dhaqan gelin doonaan xabadjoojin aadannimo oo laga hirgeliyo muddo bil ah gudaha dalkaasi ay dagaaladu daashadeen ee Siiriya.

Xabadjoojintan haddii ay dhaqan gasho ayaa la doonayaa in gargaar bini’aadanimo la gaarsiiyo dadka u baahan sidoo kale lasoo daadgureeyo dadka u baahan gargaar caafimaad.

Qaraarka Golaha Ammaanka ayaa imanaya xilli Maalmahan ay ciidamada Dawladda Suuriya duqeynayeen Bariga Quuda oo ah goob ay haystaan xoogaga Mucaaradka Suuriya.