Dowlada Masar iyo Ururka iskaashiga Islaamka oo si wadajir ah u Cambaareeyay weerarkii ka dhacay Jimcihii Muqdisho.

Dowlada Masar iyo ururka iskaashiga islaamka (OIC) ayaa si wadajir ah u cambaareeyay qaraxyadii iyo weerarkii Habeen ka hor ka dhacay magaalada Muqdisho.

Qoraal ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Masar ayaa lagu yiri,”Waxaan ka xunnahay qaraxyadii argagaxiso ee ka dhacay magaalada Muqdisho, dadka badanna ay ku dhinteen, kuwaas bartil maamaydkoodu ahaa madaxtooyada Soomaalya iyo xarunta ciidamada Nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliya.

“Dowladda Masar mar kasta waxay diyaar u tahay inay garab istaagto dowladda Soomaaliya, qaraxyadaasna ma bur buri doonaan hamigii dowladda Soomaaliya ay ka lahayd cirib tirka argagaxisada” ayaa lagu yiri warka qoraalka ah uu soo saaray afhayeenka wasaaradda arimaha dibadda Masar Ahmed Abu Zeid.

Dhanka kale war qoraal ah oo ka soo baxay ururuka iskaashiga islaamka ayaa isna lagu cambaarayay qaraxyadii ka dhacay caasimada Soomaaliya ee Muqdisho ayna ku dhinteen dad ka badan 40-ruux, tiro intaas ka badana ay ku dhaawacmeen.