Weriyihii VOAda ee Muqdisho oo Geeriyooday

Allaha U naxariistee waxaa ku geeriyoodey magaalada Muqdisho, Wariyihii VOA ee magaalda Muqdisho Axmed Xasan Colaad oo xanuun deg deg ah uu lasoo dersay.

Axmed Allaha u raxmadee weriye Colaad ayaa la sheegayaa inuu xanuun degdeg ah ku soo booday gelinkii dambe ee shalay, isagoo xalay ku geeriyooday isbitaal ku yaala degmada Boondheere ee magaalada Muqdisho.

Ehelada marxuum weriye Axmed Xasan Colaad ayaa warbaahinta u sheegay in maskaxda uu dhiig kaga furmay isla markaana xalay saq dhexe naqaska ku xirmay taasi oo keentay inuu u geeriyoodo.

Allaha u naxariistee marxuumka ayaa maanta lagu aasayaa magaalada Muqdisho, iyadoona ay ka soo qeyb gelayaan asxaabtiisii oo isugu jira weriyeyaal, eheladiisa iyo dadweyne bar garanayay weriyaha.