Ragii weerarka geystay caawa oo dhamaantooda dagaakii la dilay

Waxaa xiligaan dagan dhamaan xaalada guud ee weeraradii iyo qaraxyadii ka socday afafka hore ee xarunta Madaxtooyada.

Waxaana yaalo gaari aan Wali qarxin iyo bambooyinka gacanta laga tuura oo gaariga ku daadsan waxaana goobaha hada gacanta ku haayo ciidamada Amniga

Gaari ay saaran yihiin rag ku labisa dharka ciidanka Boliiska ayaa soo maray wadada Sayidka ee laga galo xarunta madaxtooyada halkaana waxaa ka shakiyey ciidamada ilaaliyo koontaroolka Sayidka taa oo markii ay arkeen dableyda in la fahmay waxay sameyeen in ay cararaan taana waxay keentay in la bursado waxuuna gaariga ku qarxay agagaarka hoteelka Siyaad waxaana difaaca galay 5tii dableyda ahaa oo watay dharka Boliiska halkaana waxuu dagaal toos ah dhex maray ciidamada ilaalada Madaxtooyada iyo 5 tii dagaalyahay ee ka tirsanaa xoogaga Alshabaa.

Ciidamadaan ka tirsanaa alshabaab ayaa doonayey in ay galaan xarunta madaxtooyada iyagoo isku ekeesiiyey Boliis waxaana ka hortagay laamaha amniga halkaana dagaal muda socday ayaa dhex maray ragii weerarka geestay iyo ciidamada Amniga.

Wariye goobta ku sugan ayaa ii xaqiijiyey in ay wadad U dhow hoteel siyaas ay yalaan 5 ka mid ah ciidamadii weerarka soo qaday oo ku libisan dharka boliiska iyo Gaari waxaana wali socda baritaan

Xaalada waa mid dagan waxaana la sheegayaa in qasaaraha shacabka soo gaaray in uu aad u yar yahay. Xigasho: Dayniile