Qoysas ka cabanaya boob lagu hayo dhulal ay ku leeyihiin duleedka Magaalada Muqdisho.

Qoysaska Iska Iska Leh Milki ahaan dhulal ku yaalla Agagaarka Warshadda Nac Naca ee duleedka Magaalada Muqdisho ayaa qeylo dhaan xoogan ka muujiyay qorsho dowladda Turkey ay ku dooneyso in dhulkooda ay uga dhisto Xero ay leyihiin Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Mid ka mid ah qoysaskaasi ayaa tilmaamay in dhulkooda ay u heystaan Docomentiyo Sax ah islamarkaana aanu jirin cid kala hadashay arrimaha dhulkooda kaliya ay ka war heleen iyadoo la leeyahay waa la wareejiyay dhulkiina.

Dhinaca kale Qoysaskaan ayaa shaaca ka qaaday in dhulkooda ay degan yihiin Muddo ku dhawaad qarni ah islamarkaana aanu jirin baahi dowladeed oo looga kiciyo dhulkooda , sidaas daraadeed ayey ka codsadeen dowladda Soomaaliya in ay la hadasho ugu horreyn islamarkaan aan xoog looga qaadan dhulkooda.

Ugu dambeyn Hooyo Da’ah ayaa ku cataawday in loo awood sheeganayo , xilli dhulkaas ay ku noolaayeen xittaa xilligii dowladda Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre Allaha u Naxariistee iyadoo cod dheer ku sheegtay in Madaxweyne Farmajo oo markii la doortay ay ku faraxday uu wax ka qabto boobka ka dhanka ah dhulkooda.

Dhawaan Dowladda Turkey-ga ayaa  sheegtay in Saldhig Cusub oo ay yeelanayaan Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ay u dhisayaan dowladda Soomaaliya , tallaabadaas oo u muuqata mid saameyn ku yeelatay qoysas Soomaaliyeed oo degan dhulka la sheegay in laga dhisayo Saldhigaasi.