Kenya oo malaayin Dollar dul dhigtay koox Al-shabaab ah oo qorsheynaysa weeraro ay ka geystaan dalkaasi.

Ciidamada Booliska Dowlada Kenya ayaa baadi goobaya Taliye sare iyo shan ka mid ah Maleeshiyaadka Al-Shabaab, kuwaasi oo lagu eedeyay inay dhowr weerar ka geysteen gobolka waqooyi bari ee Kenya.

Booliska Kenya ayaa ragaan Al-Shabaabka ah madaxooda duldhigay lacag dhan 20,000 oo doolarka Mareykanka qofkiiba, cidii macluumaad horseedi kara in la soo xiro shaqsiyaadkaasi la siin doono cidii sheegta, iyadoo Booliska sidoo kale sheegay in ragaasi qorshaynayaan weeraro ay ka fuliyaan Kenya.

Dhanka kale saraakiisha Booliiska ayaa soo bandhigay magacyada iyo sawirada kooxdaan waxana ay kala yihiin sarkaalka sare ee koxdaasi hogaaminaya oo magaciisa lagu sheegay Issack Alio Mohammed oo ah muwadin Kenyan ah oo ku taqasusay qaraxyada iyo Abdiwhab Osman, Hareth Hillow, Kusow Yarrow iyo Mumina Erobe oo dhamaantood lagu eedeeyay inay ku howlan yihiin weeraro ay ku qaadan deegaano ka mid ah gudaha dalka Kenya.