Howlgalka AMISOM oo Dalbaday in muda kordhin loo sameeyo joogitaankooda Soomaaliya .

Ergayga gaarka ah ee midowga Africa u qaabilsan Soomaaliya Francisco Madeira ayaa sheegay in aanan la joogin waqtigii ciidamada midowga Africa ay isaga bixi lahaayeen Soomaaliya, wuxuuna Codsaday in loo kordhiyo waqtiga ay ka sii hawl gali karaan Soomaaliya.


Francisco Madeira ayaa dalbaday in waqtiga hawl-galka kooxda Soomaaliya la gaarsiiyo sanadka 2021-ka, si ay caawinaad uga gaystaan la dagaalanka iyo cirib tirka Maleeshiyaadka Al-Shabaab, Mandera ayaa sido kale difaacay eedeymo loo soo jeediyay ciidamada AMISOM, wuxuxuuna soo dhaweeyay in Soomaaliya ay ka dhici karto doorasho hal qof iyo hal cod ah.
.

Ergayga gaarka ah ee midowga Africa u qaabilsan Soomaaliya ayaa sheegay in u jeedada ay Soomaaliya u imaadeen ay tahay sugida iyo horumarinta ammaanka, wuxuuna sheegay inay rajo wayn ka qabaan inay Soomaaliya soo hagaagto ka hor 2021-ka.

Dhanka kale Ergayga gaarka ah ee midowga Africa u qaabilsan Soomaaliya ayaa ka dhawaajiyay in horumaro ay ka sameeyeen gudaha Somalia, isagoo sheegay inay jireen caqabado farabadan oo soo wajahay 11-kii sano oo ay AMISOM ka hawl galaysay Soomaaliya.