Falanqeynta Maanta. Dawlado shisheeye ayaa Soomaaliya isku haysta

Ra’iisal wasaare ku-xigeenka dalka Turkiga Hakan Çavuşoğlu Ayaa fariin looga dhigay waxa caawa Muqdisho ka dhacaya.

Qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho ayaa wali cakiran kaddib qaraxyo iyo is rasaaseyn maqribnimadii caawa laga maqlay qeybo ka mid ah magaalada oo weerar ka geysteen kooxo hubeysan.

Inta la xaqiijinayo 18 ruux ayaa ku dhimatay Qarax ka dhacay KM-0 halka 20 kalana ay ku dhaawacmeen, sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen shaqaalaha gadiidka gurmadka deg deg ah oo goobta tagay.

Qaraxan ayaa bur bur xoogan gaarsiiyay Hotelka Cusub ee Dorbin oo kuyaala meel ku dhaw xarunta Hay’ada Nabad sugida ee Habar Khadiijo, waxaana argagax xoogan uu ku dhacay dadkii ku sugnaa Dhismaha Hotelka.

Ciidanka sirdoonka ee reer Galbeedka Gaar ahaan dawladaha Maraykanka iyo UK ayaa waxay aamin san yihiin in
National Intelligence Organization (Turkey) ay wax ku leeyiin dhismaha ama Qorshihii lagu dhisay Hotelkan Cusub ee Doorbin Hotelkan ayaa loogu talagalay inay dagaan saraakiisha. National Intelligence Organization (Turkey) ee qaabilsan Arimaha soomaaliya. dib u milicso furitaanka Hotelka Dorbin? Iyo inta uu u jiro Safaarada Turkiga uu moqdisho ku leeyahay

Linkigaa si fiican u daawo dhismaha hotelka Doorbin ee cusub.

https://youtu.be/v6QgN52SksA

Ujeeda weeranka ayaa ah in aanay muqdisho nabad noqon karin lixbilood waqti ku dhaw marka laga reebo waqtigii maxkamadaha islaamku amaanka muqdisho la wareegeen

Weererka caawa maaha Qorshe alshabaab hore loogu yaqiin waa Qorshe ka weyn kooxda alshabaab ah way iska sheeganayaan!

weerarkan waa dawlado shisheeye sida uu u Qorsheesnaa waa nooc yada ka dhaca afganistan iyo Mali. Ciraaq iyo libiya in dhawr meel lawada weeraro. Way iska cadahayin
dawlada soo abaabuleen.

Waxaan Qorsooneny in Somalia National Intelligence and Security Agency (NISA) saraakiisha hogaamisa NISA. Waxaa dhexdooda ka jira dagaal fikir ku dhisan

Waxay u kala jabeen koox alshabaab hore ah labaxdey iyo koox dawladaha reer galbeedku u dhisteen dantooda. aarka ah (PS)

Way adag tahay in ay hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaran ay gaarto guulo waa weyn maadaama ay lahay siyaasad cad oo amniga Qaranka ah.

Waqti dheer ay dawladaha Maraykanka iyo UK Gacanta ku Hay’adda Sirdoonka Qaranka iyo Amniga

Xaalada siyaasada amniga ee dawlada uu hogaamiye madaxweyne Farmaajo ayaa ah mid ay kooxa kala gadisan iyo dawlada shisheeye isku haystaan.

Agaasimaha cusub ee hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaran Xuseen Cusmaan Xuseen oo 19 bishaan loo magacaabay Hay’adda NISA ayaa ah nin ugu dhaw siyaasada dawlada Turkiga ee soomaaliya. ee waqtiyadan dhaw madax ka noqda Somali (NISA)

Sirdoonka reer galbeedku waxay xarumo waa weyn kuleeyihiin soomaaliya oo dhan way isticmaalaan noocya badan oo( NGO) ah.

Waa jira waxyaabo shaki keeni kara Qaraxii ka dhacay isgoyska Zoobe ee halaagga badan dhaliyay ayaa wili looga shakisan yahay dawladaha reer galbeedka. qaraxaas waxaa loo waday mid kamida. Xarumaha Turkiga ee muqdisho

Xiisada ka dhex aloosan Dowladaha Turkiga iyo wadamada Reer Galbeedka. Waxay saameyn ku yeelan kartaa in lagu dhex dagaalamo soomaaliya

Madaxweyne Farmaajo ayaa Garab istaagay Madaxweynaha dalka Turkiga Rajab Tayib Erdogan oo la isku dayey in xukunka laga rido

Xaalada Magaalada Muqdisho ayaa caawa aad u qasan, waxaana qeybo badan oo kamid ah ka dhacay qaraxyo iyo rasaas xoogan oo ah shaki dwladahan isku haysta dantooda gaarka ah ee somalia kaleeyihiin.

Magaalada muqdidho waxaa wada jooga Ciidamo u badan colooshood u shaqeytayaal aan wax dan ah ka lahay Dawladnimo Qaran iyo Amni Qaran magaalada sidaa hadey tahay way adag tahay in amniga la sugo. Talada amniga ka imanaysa kooxa iska soo horjeeda.

Waxaan Falanqeyn tayda ku soo gaba gabaynayaa hadaan. Hogaan wanaagsan loo helin siyaasada amniga Qaranka soomaaliya

xaaladu waxay noqon Marka Tusbax Afka laga Furo waxay natiijadu noqonaysaa in tusbaxu uu kala firdhado

sidaasi ayay noqonaysaa xaalada amniga ee muqdisho goorkasta.in laka baxsado sida waxa caawa dhacay oo cidna cid aaminin intee lagu jiri karaa xaaladaa kala carka ah.

Qore Danjire Maxamed Caalim.

Facebook Comments