Falanqeyn. Dawlado Shi-sheeye ayaa Soomaaliya isku haysto !!!

Ra’iisal Wasaare ku-xigeenka dalka Turkiga Hakan Çavuşoğlu Ayaa fariin looga dhigay waxa caawa ka dhacaya qayba ka mid ah Muqdisho.

Magaalada Muqdisho ayaa wali cakiran kadib qaraxyo iyo is rasaaseyn maqrib,nimadii caawa laga maqlay qeybo ka mid ah magaalada oo weerar ka geysteen kooxo hubeysan.

Inta la xaqiijinayo 43 ruux ayaa ku dhintay Qarax ka dhacay KM-0 gaar ahaan Baakinka Hotelka Cusub ee Doorbin halka 20 kalana ay ku dhaawacmeen, sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen shaqaalaha gadiidka gurmadka deg deg ah oo goobta tagay.

Qaraxan ayaa bur bur xoogan gaarsiiyay Hotelka Cusub ee Dorbin oo ku yaala meel ku dhaw xarunta Hay’ada Nabad sugida ee Habar Khadiijo, sidoo kalane ku dhigan Dhismaha Xildhibaanada Aqalka Sare ee Soomaaliya, waxaana argagax xoogan uu ku dhacay dadkii ku sugnaa Dhismaha Hotelka.

Ciidanka Sirdoonka ee wadamada reer galbeedka gaar ahaan dawladaha Maraykanka iyo UK ayaa waxay aaminsan yihiin in National Intelligence Organization (Turkey)
ay wax ku leeyiin dhismaha ama Qorshihii lagu dhisay Hotelkan Cusub ee Dorbin ee Caawa la weeraray.

hotelkan ayaa loogu talagalay in ay dagaan saraakiisha. National Intelligence Organization (Turkey) ee qaabilsan Arimaha Soomaaliya, dib u milicso furitaanka Hotelka Dorbin? Iyo inta uu u jiro Safaarada Turkiga uu moqdisho ku leeyahay,

Linkigaan sifiican u daawo dhismaha Hotelka Dorbin

https://youtu.be/v6QgN52SksA

Turkigu wuxuu leeyahay dano badan oo Soomaaliya ah waxaana Dalkaan leeyahay saldhigyada aasaasiga ah, ilaha dabiiciga ah iyo qorshooyinka mustaqbalka.

Maxay tahay danta ku qasbaysa Turkishka Soomaaliy Danta ugu weyn ee Dawlada Turkiga ay ka leedahay Soomaaliya waa muhiimada
juqraafiga meesha ay Soomaaliya kaga taal Badda Hindiya.

Dawlada Turkigu waxay meel wanaagsen ka heshay marinka Badda ee Hindiya Markay xooga saartay Saldhiga Milateri ee moqdisho, Hadii aad eegto wadanka jabuuti waxaa Saldhig ku leh wadamo waa weyn sida, Faransiiska, Maraykanka, Shiinaha, Jabaan.

wadanka kenya waxaa saldhig weyn oo caalamiya ku leh UK iyo yuhuuda oo Itoobiya ku leh Sidoo kale waxaa Saldhig ciidan Itoobiya ku leh Maraykanka.

Turkigu wuxuu ogaaday muhiimada juquraafi ee Badda Soomaaliya wuxuu dhex fariistey magaalada moqdisho saandkii 2011.ilaa hada 2018, Waxaa kaloo Bada Soomaaliya doonaya in ay Saldhig ka sameystaan. Wadamada UAE, Masar, Sacuudi Arabia, iyo Wadamada reer galbeedka sida Jarmalka UK.Maraykanka. IWM.

Danta Dawlada Turkiga waxay dhibaatooyin Badan u keeni doontaa danta shacabka Soomaliya iyo Riyadooda ah inay helaan dowlad awood leh oo xoog leh.
Dawkada Turkiga ayaa laga rabaa inay siyaasadeed cadaysato, sida dawlada faransiiska ay jabuuti u cadaysatay in amnigeeda ilaaliso.

Ujeedada weerarka ayaa ah in aanay muqdisho nabad noqon karin lix bilood waqti ku dhaw marka laga reebo waqtigii maxkamadaha islaamku amaanka muqdisho la wareegeen
Weererka caawa maaha Qorshe Al-shabaab hore loogu yaqiin waa Qorshe ka weyn kooxda Al-shabaab way iska sheeganayaan!

weerarkan waa dawlado shisheeye sida uu u Qorsheesnaa waa nooc yada ka dhaca Afganistan iyo Mali. Ciraaq iyo libiya in dhawr meel lawada weeraro. Way iska cadahay in
dawlado shisheeye soo abaabuleen.

Waxaan Qorsooneny in Somalia National Intelligence and Security Agency (NISA) saraakiisha hogaamisa NISA Waxaa dhexdooda ka jira dagaal fikir ku dhisan
Waxay u kala jabeen koox Al-shabaab hore ah labaxdey iyo koox dawladaha reer galbeedku u dhisteen dantooda gaarka ah (PS)

Way adag tahay in ay hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaran ay gaarto guulo waa weyn maadaama ay lahayn siyaasad cad oo amniga Qaranka ah.

Waqti dheer ay dawladaha Maraykanka iyo UK Gacanta ku haysay Hay’adda Sirdoonka Qaranka iyo Amniga, Xaalada siyaasada amniga ee dawlada uu hogaamiye madaxweyne Farmaajo ayaa ah mid ay kooxa kala gadisan iyo dawlada shisheeye isku haystaan.

Agaasimaha cusub ee hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaran Xuseen Cusmaan Xuseen oo 19 bishaan loo magacaabay Hay’adda NISA ayaa ah nin ugu dhaw siyaasada dawlada Turkiga ee Soomaaliya, ee waqtiyadan dhaw madax ka noqda Somali (NISA)
Sirdoonka reer galbeedku waxay xarumo waa weyn kuleeyihiin Soomaaliya oo dhan waxay isticmaalaan noocya badan oo( NGO) ah

Waa jira waxyaabo shaki keeni kara Qaraxii hore uga dhacay isgoyska Zoobe ee halaagga badan dhaliyay ayaa wili looga shakisan yahay dawladaha reer galbeedka, qaraxaas waxaa loogu talagalay in lagu waxyeeleeyo mid ka mida. Xarumaha Turkiga ee muqdisho. Nasiib wanaag ma dhicin.

Xiisada ka dhex aloosan Dowladaha Turkiga iyo wadamada Reer Galbeedka. Waxay saameyn ku yeelan kartaa in lagu dhex dagaalamo Soomaaliya, Madaxweyne Farmaajo ayaa Garab istaagay Madaxweynaha dalka Turkiga Rajab Tayib Erdogan oo la isku dayey in xukunka laga rido.

Xaalada Magaalada Muqdisho ayaa caawa aad u qasan, waxaana qeybo badan oo kamid ah ka dhacay qaraxyo iyo rasaas xoogan oo ah shaki dowladahan isku haysta dantooda gaarka ah ee somalia kaleeyihiin.

Magaalada muqdidho waxaa wada jooga Ciidamo u badan colooshood u shaqeytayaal aan wax dan ah ka lahay Dawladnimo Qaran iyo Amni, magaalada sidaa hadey tahay way adag tahay in amniga la sugo.

Talada amniga ka imanaysa kooxa iska soo horjeeda.

Waxaan Falanqeyn tayda ku soo gaba gabaynayaa hadaan Hogaan wanaagsan loo helin siyaasada amniga Qaranka Soomaaliya xaaladu waxay noqon Marka Tusbax Afka laga Furo waxay natiijadu noqonaysaa in tusbaxu uu kala firdhado

Sidaasi ayay noqonaysaa xaalada amniga ee muqdisho goor kasta in laga baxsado sida waxa caawa dhacay oo cidna cid aaminin intee lagu jiri karaa xaaladaa kala cararka ah.

W/Q. Danjire Maxamed Caalim.