Dowladda Turkiga oo si kulul u cambaaraysay Qaraxyadii ka dhacay Magaalada Muqdisho

Wararka laga helaayo dalka Turkiga ayaa sheegaya in si caro leh uga hadashay 2-dii qarax ee ugu dambeeyay ee ka dhacay magaalada Muqdisho maalinnimadii shalay.

Wasiirka arimaha dibadda ee dalka Turkey ayaa Alle uga baryay inuu u naxariisto dhamaan dadkii ku geeriyooday weeraradaasi, wuxuuna tacsi u diray dhamaan eheladii iyo qaraabadii ay ka baxeen dadkii qaraxyadaasi ku dhintay, sidoo kale wuxuu Alle uga rajeeyay in inta dhaawaca ah uu si deg deg ah ku bogsiiyo.

“Dowladda Turkey way sii wadi doontaa taageerada xoogga leh ay siiso dowladda Soomaaliya, iyo walaaltinimada nagala dhaxayso dadka Soomaaliyeed kuwaas oo mar kasta u nugul in weeraro lixaad leh kala kulmaan Al-Shabaab” ayuu yiri Wasiirka arimaha dibadda ee dalka Turkiga.
Dhanka kale Wasiirka Amniga gudaha Mohamed Abukar Islow, ayaa cadeeday in ciidamada xoogga ay dileen illaa 5 ka tirsan Maleeshiyaadka Al-Shabaab, kadib weerar ku dhawaad saacad ka socday meel u dhaw madaxtooyada Soomaaliya, sidoo kale Qaraxa labaad ayaa lagu bartilmaamayd saday bar koontarool oo u dhaw xarunta ciidamada sirdoonka soomaaliya.