Doorashadii kursi ka mid ah G.Shacabka kana socotay Muqdisho oo baaqatay

Kursi ka mid ah kuwa ka banaan Golaha shacabka Soomaaliya islamarkaana ay ku tartamayeen musharrixiinta kala ah .Musharax C/raxmaan Axmed iyo Musharax Fatxi Saciid Xasan,ayaa baaqday.

Baaqashada doorashada ayaa timid kaddib markii muran uu kala dhexgalay Ergada ka qeybgeleysay Doorashada iyada oo 21 ka mid ah Ergada ay ka baxeen doorashada.

Guddoomiyaha Guddiga doorashada Madaxabanaan Xaliimo Ismaaciil ayaa sheegtay in doorashada ay dib u dhacday iyada oo doorashadaasna mar kale la qaban doono.

Ergada Musharrax Fatxi Siciid Xasan oo uu kursigan aabbihii ka geeriyooday ayaa la sheegay in ay isaga baxeen doorashada iyada oo sidaasna ay ku baaqatay.

Guddoomiye Xaliimo waxaa ay sheegtay in Guddiga ay ku laabanayaan Suldaanka Beesha Samarroon, Gudubiirse ee kursigan iska leh.