Iska hor imaad iyo Qaraxyo Caawa ka dhacay Muqdisho

Magaalada Muqdisho waxaa caawa ka dhacay laba qarax is miidaamin oo lala beegsaday meel u dhow bar kontrol oo ciidamada NISA ku lahaayeen xaruntooda guriga Habar Khadiijo isla markaana ku dhow Hotelka cusub ee Doorbin isgoyska Bar FIAT ee Km0.

Sida ay sheegayaan goob joogayaal warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in qaraxa dambe lala eegtay xarun lagu keydiyay qalab laga soo dejiyay dekedda oo lagu baaro raashinka iyo dawooyinka dhacay.

Iska hor imaad kale ayaa ka dhacay Barxadda Taaladii Dhagax tuur oo ku dhigan Masjidka Isbaheysiga Islaamka, kana Soo horjeedda Dhismaha Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho oo aanan sidaa ugu fogeyn Iridka laga galo Madaxtooyada Soomaaliya.

Waxaa la maqlay qaraxyo marar is xig-xigay dhacay, mid kamid ah ayaa ka dhacay Agagaarka Isgoyska Jubba ee Magaalada Muqdisho, waxaana wali socoto Rasaas.

Ciidamada Dowladda ayaa xiray Wadooyinka Muqdisho, Gaadiidka Gurmadka Deg deg ayaa iyanna la sheegayaa in ay qaadeen Dhaawacyo aanan la sheegin Cadadooda.