Ciidamada Dowladda oo gacanta ku dhigay sarkaal ka tirsan Al-Shabaab

Ciidamad Dowladda ayaa xalay howlgal qorsheysan waxa ay ka fuliyeen deegaano hoostaga degmad Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose gaar ahaan deegaano ay ku sugnaayeen dagaalyahanada Al-Shabaab.

Howlgalka ayaa Saraakiil ka tirsan ciidamada Dowladda waxa ay sheegeen in laga fuliyay deegaan lagu Magacaabo Aaybuuteey oo u dhaw deegaanka Mubaarak ee Gobolka Shabeellaha Hoose oo todobaad ka hor ay dagaalo ka dhaceen.

Dadka deegaanka qaarkood oo Dalsan la hadlay ayaa waxa ay sheegeen in ay maqleen jugta dagaal kooban oo ka dhacay deegaanka Aaybuuteey,isla markaana aysan ogeyn khasaaraha ka dhashay laakin ay maqleen in lagu qabtay Sarkaal ay magciisa ku sheegeen Sheekh Abuukar.

Dhinaca kale Sarkaal ka tirsan ciidamada dowladda ayaa Dalsan u sheegay in Sarkaalka ay Ciidamadu qabteen uu ahaa Nin Caanka ahaa deegaanka Aaybuuteey ee deegaanka Mubaarak.