Maxay ka wada hadleen Madaxweyne Waare iyo Madaxweynaha Dalka Jabuuti?

Maxamed Cabdi Waare Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle oo ku sugan dalka Jabuuti ayaa  la kulmay Madaxweynaha dalkaasi Ismaciil Cumar Geelle,iyaga oo ka wada hadlay arrimo dhowr ah.

Kulanka oo ka dhacay Madaxtooyada Jabuuti ayaa  waxaa Madaxweyne Waare uu mudane Ismaaciil Cumar Geelle uga warbixiyay xaalada Amni ee deegaanada Hir-Shabelle iyo hwolgalka AMISOM ay ka wadaan maadaama Jabuuti ay qeyb ka tahay.

Madaxweyne Waare oo ay la socdaan masuuliyiin ka tirsan Maamulkiisa ayaa wax ay kormeereen Xarumaha kaabayaasha Dhaqaalaha oo ay ka mid yahay Dekada Jabuuti iyo goobo kale.

Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare oo Warabahinta la hadlay ayaa Madaxda dalka Jabuuti uga mahadceliyay taageearda ay mar walba la garab taagan yihiin Soomaaliya sidaasina Ciidamada Jabuuti oo ka mid ah AMSIOM eek u sugan Gobolka  Hiiraan ay door weyn ka qaateen nabadeynta iyo amni soo celinta deegaanada  Hirshabeelle.

Madaxweyne Waare ayaa Maalmaha soo socda sii joogi doonaa dalka Jabuuti isaga oo kulamo kala duwan la qaadan doono Madaxda dalkaas,waxana arrintaan ay imaaneysaa xili laba Maalin ka hor uu dalkaasi Jabuuti ka yimid madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan.