Haweeney Soomaali ah oo ku geeriyootay shil ka dhacay Mareykanka

Haweeney Soomaaliyeed oo lagu Magacaabo Nasteexo Daahir ayaa lagu soo warramayaa in ay ku Geeriyootay shil Gaari oo ka dhacay gudaha dalka Mareykanka.

Shilkan ayaa yimid, kadib markii isku dhaceen Gaari ay wadatay Haweeneydaasi iyo Gaari kale oo Xamuul ah oo marayay magaalada Columbus Gobolka Ohio ee dalkaasi.

Qaar ka mid Soomaalida ku nool dalkaasi oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Gaariga Xamuulka ah uu dusha ka maray Gaari nuuca raaxada ah oo ay wadatay Haweeneydaaasi, iyadona isla gobtaa ku Geeriyootay.

Shilalka nuucani ayaana ku cusbeyn Mareykanka ,iyadoo inta badan dhibaatooyin kala duwan ay ka soo gaaraan dadka shacabka ah ee ku safra gudaha dalkaasi.