Gudoomiyaha G/Banaadir oo ka dhaawjiyay sheegay in Canshuurta laga qaado Ganacsatada G/Banaadir la musuq maasuqo.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Eng Craxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa sheegay in Canshuurta laga qaado Ganacsatada Gobolka Banaadir la musuq maasuqo.

Eng.Yariisow ayaa sheegay in Qasnada Dowlada Hoose ee Xamar aysan ku dhicin lacagta Canshuurta ah ee laga aruuriyo ganacsatada Magaalada Muqdisho, balse Maamulkiisu uu ku dedaalayo in hada wixi ka dambeeya dib u habayn lagu sameynayo si loo hormariyo Dhaqaalaha Gobolka, isagoo sheegay in Canshuurta lagu qabanaayo adeegyada Bulshada Soomaaliyeed ay u baahan yihiin.

Dhanka kale Eng Yariisow Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho ayaa hadalkiisa ku soo aadaya xilli uu maalmo uu xirnaa Suuqa Weyn ee Bakaaraha, islamarkaana uu hakad ku jiro Howlihii Dekadda Muqdisho Khilaaf soo dhexgalay Ganacsatada iyo Wasaarada maaliyada darteed.