Falanqeynta Maanta: Musuq Maasuqa ka jira Soomaaliya waa kan ugu xun caalamka 2017

Dawlada Faderaalka soomaaliya oo noqotay meesha ugu musuq maasuq badan caalamka 2017 arinka oo fadeexad ku noqtey warkii ay sheegayeen madaxda dawladu.ee Nabad iyo Nolol.

Horaantii sanada markuu xilka qabtay Ra’iisul wasaare khayre ayaa sheegay in lala xisaabtami doono golaha cusub ee wasiirada, waxaa sidoo kale ra’iisul wasaare Kheyre uu sheegay in musuqmaasuqa lala dagaalami doono, Islmarkaana loo baahanyahay in la kordhiyo dakhliga dalka soo gala. Balanqaadkaa maxaa diiday in uu hirgali waayo?

Walaac sii kordhaya oo ka dhan ah dawladada Faderaalka ee soomaaliya ayaa ka imanaya Dawladaha deeqda bixiya iyagoo madaxda dawlada faderaalku diiday in wax lalo ah laga siiyi sida loola dagaalamo musuq maasuqa.

Sanadkan 2017 waxaa lacag badan oo kaash ah madaxda dawlada faderaalka deeq ahaan
u siiyey wadanka sacuudiga ,Turkiga ,Qatar, jordan, iyo masar, sudan, imaaraadka. Lacagtaa deeqda ah ayaa kor u dhaaftey 300milyan $ waxay lacag tan dalka ku timid iyadoo kaash ah

Waxaa lagu keenay diyaaradaha Rakaabka qaada lacagtan ayaa ah lacag aad u badan oo la ogeen qaabka deeqdaa loo qayb saday Dawlada madaxweyne Farmaajo ayaa nasiib u yeelatey inay waqti yar ku hesho lacag badan oo kaash ah.

dawlada la doortay 8.2.2018 ee uu
hogaaminayo Madaxweyne Farmaajo iyo Raysal wasaare khayre waxay astaan u noqdeen noqotay in wadanka ugu musuq maasuq badan caalamka sida warbixinta lagu sheegay.

Dawlada Faderaalka Soomaaliya ayaa ka mid noqotey dalka ugu hooseeya 180 liiska warbixinta musuq maasuqa ee sanadka tagey 2017

Qodobada dawlada Faderaalka ee soomaaliya ee caalamku aqoon san yahay musuq maasuqa meesha ugu hoose loogu Qoray waxaa ay kala yihiin
A)doorashadii dadbanayd.

B)dhulka hantida guug oo la iimsado

C) lacagta kaashka ah ee dawladaha muslimka bixiyeen oo la aqoon meesha ay ku baxday.

sida ay warbixinteeda kusoo saartay Hay’adda Transparency International oo sanadkiiba mar soo ban-dhigta qoraallo la xiriira heerka musuqa ee adduunyada. Sanadkii 2017

ayay kaalinta koowaad ka Gashay dawladii shacabku taageereen ee madaxweyne Farmaajo. Iyo Raysal saare khayre.
Warbixinta waxay marqaati ka tahay in hanti badan la boobay sanadkan 2017. Hogaankii NABAD IYO NOLOL.

Baaxadda Musuqmaasuqa Soomaaliya ayaa maraya meeshii ugu sarreysay taasi oo dadka khuburada sabab uga dhigaan isla xisaabtan la’aan ka jirta nidaamka dowliga iyo Guddi adag oo la-dagaalanka Musuqa oo aan jirin.

Waxaa si cad loo iimsanayaa xarumihii dawladu lahayd iyo lacagta caalamku ku deeqo dawlada Faderaalka oo guryo looga iibsaday wadanka kenya. Waqti aad u dhow.

Goobaha ugu badan oo musuqu ka jiro waxaa kamid ah canshuurta dakhli ee madaarada, dekedaha, deeqaha caalamku Soomaaliya u qoondeeyo sida; dhqaalaha iyo wax-barashada, xafiisyada dowliga iyo kuwa aan ahayn intaba.
Cuntada iyo daawada deeqda loo keeno.

Musuq maasuqa waa arrin muuqata oo ka jirta dunida taas oo dhibaato ba’an u geysata dadka saboolka ah, cuuryaamisa kobaca dhaqaale ee dadkasta

Musuq maasuqa soomaaliya ka jira ayaa hada waxa uu gaaray heer aad u sareeya waxaana warbixinadahHay’addaha caalamiga ah ay sanadkan soo saartey lagu sheegaa in Soomaaliya ay meesha ugu hooseysa kaga qoran tahay.

Hay’adda Transparency International ayaa Fariin adag u dirtay madaxda soomaalida.ee caadaysatey dhaqanka musuq maasuqa fooshaxun. Arinka wuxuu tusaale u yahay in Doorashadii dhacdey 2017 dadkii lagu doortay ay yihiin madax wax musuq maasuqdey.