Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya oo maanta xabsiyadeeda ka sii dayn doonta Maxaabiis gaaraysa ilaa 1500- ruux oo Jabhadda ONLF

Wararka ka imaanaya Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa sheegaya in maanta la sii deyn doono in ka badan 1,500 oo qof oo ka tirsan Jabhada ONLF kuwaas oo ku xernaa xabsiyo ku yaala gudaha Magaalada Jig jiga iyo deegaano kale.

Maxaabiistaan ayaa waxay ku xirnayd xabsiga dhexe Magaalada Jig jiga ee Jeel ogaadeeniya, xabsigaan iyo kuwoo kala ayaa waxaa ku jira xubno sar sare oo ka mid ah Jabhada ONLF oo mudo dheer ku xirnayd xabsiyadaasi, iyadoo maanta la filayo in qaar ka mid ah xubnaha jabhadaasi la siidaayo.

Dhanka kale Maxaabiistaan in la sii daayo ayaa ka dambeysay kadib markii dhawaan Magaalada Nairobi lagu soo gaba gabeeyay shir u dhaxeeyay Jabhada ONLF iyo dowlada Itoobiya kaas oo looga hadlay arimo kala duwan, sidoo kala arintaan ayaa qeyb ka ah rabshadaha ka socda gudaha dalka Itoobiya iyo is casilaadii Ra’iisal wasaaraha Itoobiya, kuwaas oo fudadeeyay sii deysmada maxaabiistaan.