Deg-Deg Wasiirka Amniga oo ka digay in gawaari loo ekeesiiyay Sharikadda Sahal ee Air-Portka oo Walxo Qarxaka buuxaan ay Muqdisho ku jiraan.

Dowladda Soomaaliya ayaa soo saartay digniin ku aadan in Magaalada Muqdisho ay ku jiraan Gawaari ay ka buuxaan Walxaha qarxa, iyadoo warkaasi digniinta uu soo jeediyay Wasiirka Amniga Maxamed abuukar Ducaale Islow.

Golaha Wasiirada ayaa maanta shirkood ay yeeshaan Maalin kasta oo Khamiis ah ayuu Wasiirka Amniga Maxamed abuukar Ducaale Islow hadalkaasi digniinta ah soo jeediyay, waxaana maanta shir gudoominaayay shirka Golaha Wasiirada Raisul Wasaare Xasan Cali Kheyre.

Hadalkaan digniinta ah ayaa waxaa warbaahinta la wadaagay Wasiir ku xigeenka warfaafinta Craxmaan Iidaan Yoonis wuxuun sheegay in Wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Ducaale Islow uu sheegay inay shacabka ka dalbanayaan inay ka digtoonaadaan baabuur sida walxaha qarxa oo magaalada ku jira.

Dhanka kale warbixintii maanta ee uu wasiirka amniga siiyay Golaha Wasiirrada ayuu ku sheegay in Gaari Noah ah oo loo ekeyiisay Gaadiidka Sharikadda Sahal ee Air-Portka Muqdisho ay ku jirto magaalada iyo baabuur kale oo dhamaan lala rabo in lagu Qarxiyo Xarumaha Dowlada Somalia.