Muwaadin Soomaali ah oo la soo taagay maxkamad ku taalla London

Maxkamad ku taalla magaalada London ee Caasimadda dalka Ingiriiska ayaa maanta la soo taagay Muwaadin Soomaali ah oo lagu eedeeyay in uu Xariir la leeyahay Kooxda Daacish.

Muwaadinakni oo  38 -Sanojir ah laguna magacaabo Aweys Shiikhey ayey sheegeen Booliska dalkaasi in uu maleegayay weerar ay Daacish ku qaadan magaalada Tottenham ee waqooyiga London.

Booliska ayaa sidoo kale xusay in Mr Shiikhey uu Lacago fara badan ka deynsaday Bankiga Barclays ee dalka ingiriiska, Lacagahaasi oo uu sheegay in uu Aroos ku galayo, balse ay ogaadeen in  uu qorshaynayay  in uu u safro dalka Turkiga, kadibna u gaaro dalka Syria, si uu ugu ubiirro Kooxda Daacish.

Dhinaca kale Ciidamada Booliska ee dalka Ingiriiska ayaa sheegay in ay wadaan baaritaan xoogan oo ku aadan,  sidii ay gacanta ugu soo dhigi lahayeen ciddii ka dambeysay dilal siyaabo kala duwan xalay loogu geystay Muwadiniin Soomaaliyeed oo ku noolaa magaalada London  ee Casimadda dalkaasi.

Saraakiisha Booliska ayaa sheegay in xalay Saacado gudahood magaaladaasi loogu dilay 2 wiil oo dhalinyaro ahaa, kuwaasi oo dilalkooda loo adeegsaday Mindiyo.

Waxaana saraakiishu intaasi ay ku dareen in dilalkaasi loo geystay dhalinyaradasi Soomaaliyeed ay ka kala dhaceen 2 meelood oo kala duwan, isla markaana ay rumaysanyihin in ay ka dambeeyen kooxo Burcad ah.

Dhawaan Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Ingiriiska ayaa cabasho xoogan ka muujisay dilalka isdaba jooga ah ee Soomaalida loogu geysanayo dalkaasi.