Mareykanka oo beeniyay askari ka tirsan ciidamadooda in lagu dilay dagaal ka dhacay Jubbooyinka

War qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradda arrimaha dibadda ee dowladda Mareykanka ayaa lagu beeniyay warar ay shalay baahiyeen Al-Shabaab, kaasi oo ahaa inay dileen askari ka tirsan Mareykanka.

Waxaa lagu sheegay qoraalkan in weerarkii ka dhacay nawaaxiga deegaanka Buulo-gaduud ee Jubada Hoose 19-kii bishan aanay jirin askari Maraykan ah oo waxyeello kasoo gaartay.

Dhanka kale, Samantha Reho, afhayeen u hadlay taliska Maraykanka ee AFRICOM ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Shiinaha inay  xaqiijiyeen inuu jiro dagaal dhacay, balse aanay askartooda khasaare kasoo gaarin, ayna badqabaan, gaar ahaan kuwa ka howlgala Jubbaland.

Ugu dambeyn, dowladda Maraykanka ayaa sheegtay iney xoojineyso weerarada ka dhanka ah Al-shabaab ee ay ka wadaan deegaanno kamid ah dalka.