Howl galyo Ciidamada Dowladda ka fuliyeen J/Hoose oo ay ku dileen Dhowr Al-Shabaab ah.

Wararka ka imaanaya Gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya howlgalo qorsheysan ay halkaasi ku dileen ilaa 6-ka tirsan Maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Ciidamada Dowladda ayaa gacanta lagu dhigay Hub iyo miinooyin,sida warbaahinta ay u sheegeen saraakiil ka tirsan dowladda soomaaliya, deegaanada ay ciidamada Dowladda howlgalka ka sameeyeen ay ah kuwo hoos taga Degmada Jamaame ee jubada Hoose,iyadoo deegaanadaasi ay kala yihiin Baar-sanguuni, Araare, Wirkoy iyo Degaanno kale oo Ku Dhow Magalada Jamame ee gobalkaasi.

Dhanka kale Deegaanka sanguuni oo howlgalkan xoogiisa ciidamada dowladda la sheegay iney ka fuliyeen ayaa waxey ciidamadu ku dileen 6-ruux oo ka tirsanaa Al-Shabaab, sidoo kale saraakiisha ayaa xaqiijiyay in gacanta lagu dhigay Hub iyo Minooyin tira Badan oo ay isticmaalayeen Maleeshiyaadka Al-Shabaab.