Guddiyada Ganacsiga iyo Maaliyadda G.shacabka oo diiday canshuurta iibka (Warsaxaafadeed)

Kulan ay maanta ku yeesheen Magaalada Muqdisho Guddiyada Maaliyadda iyo Ganacsiga Golaha shacabka Soomaaliya ayaa sharci darro ku tilmaamay canshuurta iibka ee ay xilligan Wasaaradda Maaliyadda ku soo rogtay Ganacsatada Soomaaliyeed.

Guddiyada ayaa sharci darro ku tilmaamay canshuurt iibka ee 5%,waxaana ay ku talo bixiyeen in aan la dhaqan gelin karin go’aanka wasiirka Wasaaradda maaliyadda ee ah bixinta lacagtaas.

Guddiiyada ayaa war-saxaafadeedkooda ku dalbaday in shuruucda canshuurta oo tafaftiran ay golaha baarlamaanka horkeeno maalinta Bisha April tahay 30.

Sidoo kale Guddiyada ayaa amar ku bixiyay in wasaaradda Maaliyadda  aanay qaadi karin canshuur aysan marsiin baarlamaanka Soomaaliya.