Ciidamada Badda Soomaaliya oo ka qayb galay dhoolatus Caalami ah oo ka dhacay Xeebaha Soomaaliya.

Ciidamada Badda Soomaaliya ayaa ka qey qeygalay markii ugu horeysay dhoolatus ay si wadajira u qabeen Wadamada Saaran badweeynta India dhinacyada bariga iyo Galbeedka iyo Taliska Ciidamda Maraykanka ee Qaaradan Afrika.

Dhoolatus badeedkan ayaa sanadkan waxaa saldhig u ahaa oo laga qaban qaabiyay Saldhigga Ciidamada Mareeykanku ay ku leeyihiin Jibuuti waxaana ka qeygalay Ciidamada Mareeykanka kuwa ka socda Midowga Yurub iyo waliba Ciidamada Wadamada badweynta India ka saaraan dhinacyada Bariga iyo Galbeedka.

Dhooltuskan ayaa sida la sheegay waxaa uu ka dhacay qeybo kamid ah badda soomaaliya iyo badaha wadamada Kale ee ka qeybgalay iyo waliba Biyaha Caalamiga ah.

Dhanka kale Ciidamada Badda Soomaaliya oo sameyn xoogan uu ku yeeshay burburkii dalka ka dhacay ayaa waxay markan u muuqdaan inay ka soo kabsanayeen dhibaatada ay qeybtooda ka qaadeen ee guud ahaan Umadda Soomaaliyeed gadaal u dhigtay.